Jaaliyadda Somaliland ee Edmonton oo kulan aafur ah isugu yimi

Edmonton-(Berberanews)-Jaaliyada Somaliland Ee Magaalada Edmonton ee Dalka Canada ayaa shalay xalay isugu timi kulan ballaadhan oo aafur-wadareed ah.

Siyaasiyiin reer Somaliland ah, ganacsato,aqoonyahan iyo Safiirkii Somaliland ee Uganda Ambasador Xamse Xaaji Dool, ayaa ka mid ahaa masulliyiinta kulanka kasoo qaybgalay.

Kulankan waxa lagaga wada hadlay Xoojinta iyo iskaashiga Guud ahaan Jaaliyada Somaliland Ee Magaalada Edmonton iyo Nawaaxigeeda iyo waliba sidii layskugu xidhnaan lahaa kuwa kale ee Dal waynaha Canada Magaalooyinkiisa kala duwan degan.

Waxa kale oo laysla eegay Xaaladda Guud ee Dalka siiba *Nabad galyada iyo Colaadaha* soo kordhay sidii wada hadal iyo Nabad loogu dhamayn lahaa, illahayna waxa looga baryay in colaadahaas uu inaga qaboojiyo maadaama lagu jiro bil Ramadaan.

Ambassador Xamse Xaaji Dool, ayaa u mahadceliyay Haween waynaha Magaalada Edmonton iyo ururka Jaaliyada Somaliland ee soo qaban qaabiyay Afurkaas.