Shil ay ku dhinteen 11 muhaajiriin Ethiopian ah oo ka dhacay Puntland

Puntland-(Berberanews)-Lix haween ah iyo shan rag ah oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa la og yahay inay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay Pubtland, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

IOM ayaa intaas ku dartay in dadkan ay daabuli jireen dadka wax tahriibiya oo la sheegay in ay qorsheynayeen in ay u qaadaan Yemen iyaga oo sii maraya dekedda magaalada Boosaaso.

Balse gaadhiga xamuulka ah ee ay saarnaayeen ayaa ku rogmaday salaasadii, meel wax yar u jirta magaalada Boosaaso.

Baadhitaannada ku saabsan sida ay wax u dhaceen ayaa weli socda, balse marxaladdan ayaa maamulka deegaanka waxa ay sheegeen in ay rumeysan yihiin in gaadhiga xamuulka ah at cillad ku timid, isla markaana aanay jirin wax baabuur ah oo ku lug lahaa.

Waxay xaqiijinayaan in 11 meyd ah la aasay.
Ugu yaraan 20 kale oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay, IOM ayaa tidhi. “Meydadka waan aasnay, kuwa dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee Boosaaso,”sidaa waxa yidhi wakiilka dowladda hoose ee Boosaaso Maxamed Jaamac oo BBC-da la hadlay.