Equatorial Guinea oo hakisay 300 oo markab oo ku malafsanayay calankeeda

Guinea-(Berberanews)-Equatorial Guinea ayaa shaqada ka joojisay in ka badan 300 oo markab oo kalluumaysi kadib markii ay si been abuur ah uu uga babanayay calankeeda, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Teodoro Nguema Obiang.

Waxa uu sheegay in 368 markab oo ka kalluumaysanaya calanka Equato-guine, 20 keliya ay ka diiwaan gashan yihiin wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda caalamiga ah ee badaha.

Inta soo hadhay waxaa loo hakiyay wax is-daba-marin.Tallaabada xigta waa in la dejiyo siyaasadaha xakameynta iyo qandaraas-ku-helidda in si sharci ah loogu isticmaalo calankeenna,” ayuu soo dhigay Twitter-ka Khamiistii.

Ma aha markii ugu horeysay oo dalkaasi uu tallaabo ka qaado maraakiibta sida sharci darada ah u sitay calankooda.

Bishii Abriil 2022, Equatorial Guinea waxay hakisay 395 markab oo si sharci darro ah ugu safrayay calankeeda.

Waxay ka dambeysay markii Xelo – markab kalluumeysi – uu ku degay dhul badeedka Tunisia.

Markabkan oo la sheegay in uu ka babanayay calanka Equatorial Guinea, ayaa ku degay xaalado laga shakiyay, taasoo keentay in dalkaasi uu dacwad ciqaabeed ka dhan ah dadkii iska lahaa gudbinayo.

Mr Obiang Mangue ayaa intaa ka dib dalbaday gargaar caalami ah wuxuuna ku booriyay wadamada kale inay soo sheegaan maraakiibta sida sharci darada ah uu uga babanayo calanka Equatorial Guinea.