21 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Maraykanka

USA-(Berberanews)-Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii duufaanno ay ku dhufteen magaalooyin  ku yaala koonfurta iyo badhtamaha galbeed ee dalka Maraykanka.

Duufaanno dhowr ah ayaa ka dhacay habeenkii Jimcaha guud ahaan ugu yaraan siddeed gobol, oo baabi’iyay guryo iyo goobo ganacsi , geedo badana gooyay.

Tobanaan kun oo qof ayaa waayay korontadi markii ay duufaantu ku dhufatay dhul ballaadhan iyo dal ay ku nool yihiin ilaa 85 milyan oo qof.
Dadka dhintay waxaa ku jiray toddobo qof oo ku sugnaa gobolka Tennessee, shan Arkansas oo deris la ah, iyo afar ku noolaa Illinois.

Dhimasho kale ayaa laga soo sheegay gobolada Indiana, Alabama iyo Mississippi.

Gudaha Arkansas, Badhasaabka Sarah Huckabee Sanders ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah waxayna hawl galisay 100 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka si ay uga caawiyaan maamulada maxalliga ah inay ka jawaabaan dhibaatadan.