Mareykanka oo Somaliland ku amray inay ciidamada kala baxdo Sool iyo digniino kale

Hargeysa-(Berberanews)-Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday in ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda Laascaanood, iyada oo ku baaqday in xiisadda la dejiyo, loo hoggaansamo xabbad-joojin, gargaarka bani’aadamnimona aan la carqaladayn, lana bilaabo wada-hadal wax ku ool ah.

“Waxa aanu ugu baaqaynaa Somaliland in ay dib u soo celiso ciidamadeeda, waxa aan ugu baaqaynaa maleeshiyaadka ku sugan Laascaanood in aysan weerarin ciidamada Somaliland. Waxa aan taageersanahay ka qaybgalka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & odayaal-dhaqameedka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha-dibedda.

Mareykan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka walaacsan yihiin dib-u-dhaca doorasho ee ka taagan Somaliland, iyaga oo ugu baaqey madaxda SL in ay waqtiyeeyaan doorashada, sida ugu dhakhsaha badan, iyada oo lagu hanjabay xannibaad-socdaal;

“Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha ee hadda jira ama hore ee madaxda Soomaalida ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay masuul ka yihiin, ama  ka qayb-qaadanayaan, wiiqayaan geedi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.”