Madaxweyne Geelle oo mar kale ku celiyay aragtidiisa aqoonsiga Somaliland

Djibouti-(Berberanews)’Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa caddeeyay mowqifka ay dowladdiisu ka qabto aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Geelle oo la weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadineysay in ka badan soddon sano ayaa sheegay in waddankiisu uusan diyaar u ahayn inuu abuuro xiisad.

“Waxa aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela, marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yiri Madaxweyneha Jabuuti.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xiidhiidh qoto dheer, ayna tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed.

“Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xiriirka, sido kale waxaan xidhiidh la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraameyno midnimadeda dhuleed,” ayuu yidhi.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhaliyay hadal-heyn aad u ballaaran oo qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay faafinayeen wareysiga uu bixiyay.