Ethiopia oo 90% dhamaysay biyo xidheenka xilli digniini kasoo baxday Masar

Ethiopia-(Berberanews)-Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in dhismaha mashruuceeda muranka badan dhaliyay ee biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) uu gaadhay boqolkiiba 90.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday xafiiska xidhiidhka heer qaran ee dhismaha biyo xidheenkan oo lagu xusayay 12 sano ka dib markii la dhagax dhigay.

Ku dhawaaqista Addis Ababa ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar uun ka dib markii Masar ay soo saartay digniin cusub oo ka dhan ah Itoobiya oo ku saabsan mashruuca balaayiin dollar ee biya-xireenka kaas oo noqonaya kii ugu weynaa ee Afrika laga sameeyo marka la dhammeeyo.

Qaahira ayaa sheegtay in “Dhammaan xulashooyinka ay miiska saaran yihiin” si wax looga qabto khatar kasta oo ku wajahan biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.
“Waxaan ku dhawaaqeynaa in dhammaan fursadaha furan yihiin iyada oo aan la qeexin habraacyo gaar ah, tanina waxay u adeegaysaa danaha Masar ee ah in ay sii haystaan ​​dhammaan beddelka la heli karo,” ayuu yidhi Shoukry.

Maalin kadib, Addis Ababa ayaa si cadho leh uga jawaabtay, waxayna meesha ka saartay “mas’uuliyad darro” hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibadda Masar.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda ee Suudaan Gibril Ibrahim ayaa Khamiistii sheegay in awoodda laga dhalinayo GERD aanay ku filnaan doonin oo keliya dalalka deriska ah balse ay sidoo kale ka qayb qaadan doonto horumarinta gobolka oo dhan.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siinayay wakaaladda wararka ee dawladda Itoobiya ayaa xusay in aanu qofku yeelan karin horumar dhaqaale koronto la’aan, waxaanu yidhi “Waxa aanu filaynaa in biyo-xidheenka cusubi uu naga caawin doono in aan helno tamar ku filan oo jaban oo ay Itoobiya ha helo”.