Ciidanka Danab oo beeniyay in ay ku lug leeyihiin dagaalka Laascaanood

Muqdisho-(Berberanews)-Taliska kumaandooska gaarka ah ee Danab oo ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin colaadda Laascaanood.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska kumaandooska Danab ayaa gebi ahaanba lagu beeniyay in askar ka tirsan Danab ay qayb ka yihiin dagaal beeleedka ka socda Laascaanood.

“Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadooda, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo uu soo saaray taliyaha Danab Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare).

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in marxuum Maxamed Suleymaan oo ku dhintay dagaalka Laascaanood aanu markaas ka tirsanayn kumaandooska Danab islamarkaana uu sababa isaga u gaar ah shaqada uga tagay sannadkii 2021.

” Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu sii raaciyay qoraalka.