Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magalada Toronto

TORONTO — (Berberanews)-Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah, sidoo kale waxaa la dhaawacay laba qof oo la socotay, walow aanay boolisku shaacin halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in mid kamid ah labada la dhaawacay uu Soomaali yahay.

Warbixin arrinkan ku saabsan waxaa soo diray wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji.