Maxaabiista Dagaalkii Laascaanood Oo Markii U Horaysay Ka Xog-Waramay Xaaladdooda

Maxaabiis ay ciidanka Qaranka Somaliland ku qabteen dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa Markii U Horaysay Ka Xog-Waramay Xaaladooda.

Maxaabiistan oo ku xidhan Xabsiga Dhexe ee magaaada Burco, waxa ay Ciidanka Qaranka iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ku ammaaneen sida ay ula dhaqmeen iyo daryeelka caafimaad ee loo fidiyey qaar ka mid ah maxaabiista oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.

Warbaahinta taageerta kooxaha nabad-diidka ah iyo maleeshiyaadka Huwanta ah ee ku sugan Laascaanood, ayaa faafiyey in waxyeello la gaadhsiiyey maxaabiista.