Golaha Wakiillada Somaliland oo go’aanno kasoo soo saaray dagaalka Laascaanood

Hargeysa-(Berberanews)-Guddi Golaha Wakiilada Somaliland u saaray xaalada Laascaanood, ayaa soo saaray 18 qodob oo ay u arkaan inay xal u noqon larto xiisadda colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool.

ku taliyay in xabad joojinta la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaada wadahadal lagu dhameeyo iyo qodobo kale.

Guddida, ayaa ku talisay in la dhaqan galiyo xabad joojin bilaa shuruuda, isla markaana dhamaan qaybaha bulshada, waddamada jaarka iyo beesha caalamkuba ka qayb qaadato daminta colaada.

Guddidu waxay golaha usoo jeedisay in uu dhamaan xoogaga hubaysan ee gurmadka ku yimid Laascaanood ugu baaqo in ay sida ugu dhakhsaha badan gobolka kaga baxaan, iyo in goluhu taageero ciidamada millateriga Somaliland.

Waxa kale oo ay golaha usoo jeediyeen in uu ku baaqo in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku barakacay colaada, iyo in la dardar galiyo waxkasta oo xoojinaya midnimada iyo qaranimada Somaliland, ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxay usoo jeediyeen golaha in wax laga barto qaladaadkii maamul ee ka dhacay Laascaanood si anay hagardaamo kale u iman, iyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka iyada oo la fulinayo heshiisyadii hore ee madaxda Khaatumo lala galay.

In la joojiyo hadalada bulshada sii kala fogaynaya, waxayna ugu danbayntii sheegeen in heshiis kasta oo la galo oo kasoo horjeeda qaranimada Somaliland aan la aqbali doonin.

Halkan ka akhriso dhammaan qodobada.