Golaha Wakiillada Somaliland Oo Go’aamo 18 Qodob Ah Ka Soo Saaray Xiisadda Dagaal ee Laascaanood

Hargeysa (BN)- Guddi gaar ah oo Golaha Wakiillada u xil-saaray Daraasaynta Xalka Xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, ayaa maanta Golahaas ka horjeediyey warbixin ku saabsan baadhitaanno kala duwan oo ay sameeyeen.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada ayaa xildhibaannada ka hor akhriyey go’aamada guddigu soo saartay iyo natiijada cod gacan-taag ah oo Goluhu u qaaday.