Hollywood oo soo bandhigtay filim ku saabsan Somaliland

Badiyaa waxa aan ku aragnaa 20th CENTURY STUDIOS marka aan daawanayno aflaanta Maraykanka.20th Century Studio waa shirkad ay leedahay Hollywood oo soo saarta filimada, waxana xarunteeda ay tahay xaafadda Century City ee magaalada Los Angeles.

March 4, 2023 NBC News ayaa waxa ay xidhiidh la sameeyeen Hollywood, waxana ay u sheegeen in ay doonayaan in ay filim gaaban ka sameeyaan siyaasada adag ee Geeska Africa.

Kadib filimka gaaban ee Somaliland waxa qaban qaabiyey  soo saarayaasha kala ah Lou Eyrich,Eryn Krueger Mekash iyo Tod Neninger.

Filimka Somaliland waxa lagu qabtay magaalada New York.

Filimka ayaa waxa uu ku bilaabmayaa Alisha Warner, oo soo saartay midabada uu ka koobanyahay calanka Jamhuuriyada Somaliland iyada oo u gaysay jilaa lagu magacaabo Pamela Fryman, Pamela Fryman ayaa ugu jawaabtay Alisha Warner, in calanka Mexico isna uu leeyahay 3 midab.

Murankaas oo socda,ayaa teleefan waxa uu u soo dhacayaa jilaa lagu magacaabo Dan Fielding, oo sidoo kale ahaa aktarka Night Court TV Series.

Dan Fielding waxa uu u tagayaa Pamela Fryman waxana uu weydiinayaa waxa ay ka taqaano Somaliland.Marka Pamela Fryman ay u sheegto in aanay aqoon u lahayn Somaliland, ayaa Dan Fielding uu u sheegayaa Pamela Fryman in Somaliland ay ka madaxbanaanaatay Soomaaliya 1991,laakiin wali aanay aqoonsanin Beesha Caalamka.

Waxa kale oo Dan Fielding uu u sheegayaa Pamela Fryman sida ay u adagtahay in laga hadlo qadiyadda u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Filimka waxa uu sharaxayaa sida Somaliland ay uga horumarsantahay ugana dimuqraadi- wanaagsantahay Soomaaliya, kadib marka Alisha Warner oo ah Maraykanka Madoow ay sheegtay in walalakeed uu ku jiro xabsi Maraykanka ku yaala kadib markii uu ka mid noqday maleeshiyo beeleed Soomaali ah.

Filimka oo dhamaystiran ayaa socda 34 minute, waxana aad ka daawan kartaa NBC’s Entertainment Channel.

Waxa bulshada Somaliland ay mahadnaq balaadhan u jeedinayaan NBC/MSNBC iyo 20th Century Fox oo ka qaybqaatay iibinta qadiyada Jamhuuriyada Somaliland, waxa aan ku leenahay Bravo, Bravo waad mahadsantihiin.