Puntland iyo Kooxaha Huwanta ah jab kala kulmay weerar ay ku qaadeen ciidanka qaranka

Laascaanood-(Berberanews)-Dagaal culus ayaa saaka aroortii ka dhacay Gobolka Sool ka dib markii maamulka Puntland iyo kooxaha huwanta ah ay weerar kusoo qaadeen Ciidammada Qaranka Somaliland.

Weerarka saaka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka dhacay laba aag oo kala ah Gambadha oo ay weerarka kasoo qaadeen ciidanka Puntland oo dhirbaaxo kulul kala kulmay ciidanka kana yaacay gaadiid dagaaal.

Ciidanka Qaranka Somaliland ee Laascaanood, ayaa iyaguna si adag isaga difaacay weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen kooxaha huwanta ah ee ka dagaalamaya Laascaanood balse waxaa si adag isaga difaacay ciidanka qaranka Somaliland.