Tanzania: Iskahorimaadka aadanaha iyo duur-joogta

Tanzania-(Berberanews)-Nin u dhashay dalka Tanzaaniya ayaa xaalad halis ah ku jira cisbitaalka, ka dib markii uu sawir Selfie ah la galay maroodi ka dibna uu weeraray.

Waxa ay qayb ka ahayd xayawaan ka baxsatay deegaan lagu xanaaneeyo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Manyara oo cunay dalagyo beeralay ah oo ku yaalla mid ka mid ah tuuladaas, sida uu maamulku sheegay.

Taliyaha booliska ee gobolka ayaa sheegay in maroodiyaasha ay cadhoodeen ka dib markii koox dadka deegaanka ah ay u soo dhawaadeen iyaga oo iska qaadaya sawirro Selfie ah.
“Ninkan waxaa la dhigay isbitaalka degmada Kiteto, waxaana lagu daweynayaa… xoogaa horumar ah ayaa soo  fiicanaanayaa caafimaadkiisu,” ayuu yidhi George Katabazi.

Iskahorimaadka aadanaha iyo duur-joogta ayaa ku badan Tansaaniya, halkaas oo xilliyada qallalan ay inta badan horseedaan in duur-joogtu ay u guuraan beeraha si ay cunto u helaan.