Masiibo ka dhacday Malawi oo dishay In ka badan 200 oo qof

Malawi-(Berberanews)-Ugu yaraan 190 qof ayaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen Malawi ka dib markii duufaanta Freddy ay ku dhufatay dalkan ku yaaalla koonfurta Afrika markii labaad muddo bil gudaheed ah.

Xaddi biyo ah oo madow ayaa ku soo qulqulay xaafadaha, iyaga oo xaaqaya guryaha.

Xarunta ganacsiga Malawi ee Blantyre, ayaa diiwaangelisay inta badan dhimashada, 158, oo ay ku jiraan daraasiin carruur ah.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday xaalad masiibo ah 10 degmo oo koonfurta ka tirsan oo ay duufaantu ku dhufatay. Shaqaalaha samatabbixinta aad ayay u buux dhaafiyeen, waxayna isticmaalayaan majarafado si ay u helaan dad nool oo dhoobada ku aasan.

Saraakiisha cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen tirada badan ee meydadka ah ee la keenayo.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegtay in in ka badan 40 caruur ah la xaqiijiyay in ay dhinteen markii la soo gaadhsioyay isbitaalka.

Saraakiisha ayaa ka codsaday qoysaskii ay ka geeriyoodeen in ay soo ururiyaan meydadka si loo aaso,maadaama qolka meydka ee Isbitaalka uu gabaabsi yahay.

Hay’adda dowladda u qaabilsan gargaarka musiibooyinka ayaa sheegtay in dhimashadu ay kor u kacday  Isniintii, ayna gaadhay 190-qof, halka ku-dhawaad ​​584-qof ay ku dhaawacmeen, 37-kalena weli la la’yahay. In ka badan 20,00 oo qof ayaa barakacay.

Dhimashada ayaa la filayaa in ay korodho maadaama meelaha qaar ay go’an yihiin roobab aan kala joogsi laheyn iyo dabeylo xoogan.
Duufaantan ayaa sidoo kale curyaamisay korontadii Malawi, iyadoo inta badan gobollada dalka ay ka jirto madow muddo dheer ah.