Maxamed Bin Salman oo soo dhaweeyay Heshiiska Iran iyo Sucuudiga

Riyadh (Berberanews)-Dhaxalsugaha Dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salamaan, ayaa sheegay inay si weyn usoo dhowaynayaan guusha laga gaadhay xisaad siyaasadeed oo u dhaxaysay dalka Iran, taas oo sababtay in safaaraddaha la kala qaato muddo toddoba sannadood ah.

Hase yeeshee Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyay inay dib u soo ceshadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, ayna dib u furaan safaaradahooda muddo laba bilood gudahood ah, kaddib sannado badan oo xiisado ah.

Heshiiskan la yaabka leh oo Aqalka Cad ee Maraykanka laga soo dhoweeyay, maadama ay Washington ku khasbantahay inay soo dhowayso marka laga eegayo dhanka dublamaasiyada, waxaana hesjhiiska gadhwadeen ka ahaa Shiinaha, oo ku tilmaamay inuu yahay guul wadahadal iyo nabad si weyn gobolka wax uga beddelay oo la geliyay juhdi iyo dedaal dublamaasiyadeed..

Dib u soo celinta xidhiidhka, ayaa rajo ka muujinaya nabadda Yemen, halkaasoo Sacuudigu uu hor kacayo isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto, wallow aan lagu guulaysan duulaanka la doonayay in meesha lagaga saaro Xuutiyiinta.

Sidoo kale heshiiskan ayaa saamayn ku yeelanaya dhammaan siyaasaddihii ku waajahnaa Syria, Baxrayn iyo meelo kale oo Maraykanka iyo Sacuudigu isku si uga ahaayeen mawqif.

Waxa hubaal ah inuu heshiiska Sacuudiga iyo Iran si weyn wax uga beddelayo dhaqaalaha aduunka, isla markaana waxa lagu macneeyay siyaasad cusub oo ay wataan Shiinaha iyo Ruushka oo wax ka beddelay khariirada siyaasaddeed ee aduunka, taas oo muujinay in dunidu u socoto jiho ka duwan tii uu Maraykanku isu tirinayay inuu yahay cidda keliya ee sargoysa siyaasadda iyo dhaqaalaha aduunka.