Maamulka  Somalida Ethiopia oo hadal eedayn iyo beenina u diray Somaliland

Jigjiga-(Berberanews)’Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa ka jawaabtay eedaymo dhinaca Somaliland uga yimid oo ku saabsanaa in Ciidamo katirsan dowlad degaanka Soomaalida ay qayb ka yihiin colaadda ka taagan Laascaanood.

Haddaba War saxaafadeedkan ayay dowladdu ku sheegtay in colaadda ka jirta Laascaanood aanay qayb ka ahayn Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida, ” Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland inaanay jirin ciidan ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida oo qayb ka ah colaadda Laascaanood, waxaana cambaareynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid”, ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka kasoo baxay dowlad degaanka Soomaalida.

Sidoo kale War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dowlad degaanka Soomaalida uu imbadan dulqaad ka muujiyey eedaymo iyo dacwado uga yimid dhinaca Somaliland oo ku saabsan colaadda Laascaanood, waa sida lagu yidhi War saxaafadeedkan ka soo baxay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale War saxaafadeedkan ayay dowladdu ku sheegtay in Somaaliland ay farta ku fiiqayso caddow aan jirin, ” Waxaa muuqata in maamulka Somaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin, si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool”, ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka kasoo baxay dowlad degaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa maamulka Soomaaliland ugu baaqday inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeyn kara shacabka labada dhinac ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Soomaaliland.

War saxaafadeedkan ayaa kusoo hagaagay xilli maanta shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Soomaaliland ay ku sheegeen in dagaalka ka socda Laascaanood ay qayb ka yihiin ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Boolis.