Saylici oo xadhigga ka jaray dhismaha wadada Boorama iyo Baki

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo ku sugan Gobolka Awdal ayaa xadhig ka jar iyo Kormeer Maanta Sameeyey.

Boorama-07-03-2023-(Berberanews)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha wajiga koowaad ee wadadda isku-xidha Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kormeer kusoo maray Dugsiga caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo xafiisyadda maamulka Gobolka iyo Degmadda Boorama.