Mucaaridka Turkiga oo u midoobay Madaxweyne Erdogan

ANKARA —(Berberanews)-Mucaaradka Turkey ayaa soo afjaray bilo dood kulul ah Isniintii, waxayna isku raaceen inay madaxa xisbiga calmaaniga ee ugu weyn u magacaabaan musharaxa ka hortagaya madaxweyne Erdogan, doorashada dhaceysa 14-ka May.

Heshiis la gaaray xilli dambe oo looga dan leeyahay in laga weecdo kala jab ku yimaada codka mucaaradka ayaa ka dhigan in madaxa xisbiga CHP, Kemal Kilicdaroglu uu labada duq ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara u magacaabo madaxweyne ku-xigeeno haddii ay soo afjaraan 20 sano oo xukunka Erdogan ah.

“Waa na laga adkaan lahaa haddii aan kala jabi laheyn,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay dadweyne badan oo isugu soo baay inay taageeraan saacado markii heshiiska lagu dhowaaqay.

Erdogan ayaa wajahaya dagaal siyaasadeedkii ugu adkaa noloshiisa, ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaar badan u arkaan middi ugu cawaaqibka weyneyd ee taariikhda aas-aaska Jamhuuriyadda Turkey 100 sano kahor.

Hoggaamiyaha 68 jirka ah ayaa u baahnaan doono inuu ka adkaado caqabado badan, oo ay ka mid yihiin xasarad dhaqaale iyo dhul-gariir gaystay burbur xooggan.

Codadka ra’yiga ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysaneysa.

Hase yeeshee, xaaladda Erdogan ayaa u muuqatay inay fududaatay markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ka kooban lixda xisbi ay Jimcihii ka baxday wada-hadallada isbaheysiga.

Meral Aksener ayaa ku dooday in Kilicdaroglu — oo ah 74 jir afgaaban oo kasoo jeedo bulshada la liido ee Alevi — uusan haysan taageero shacbiyad oo uu kaga adkaado Erdogan.

Waxay ku adkeysatay in mid ka mid ah labada duq ee magaalo ee caanka ah ee Istanbul iyo Ankara, oo ka tirsan xisbiga CHP loo doorto inay ka hortagaan Erdogan.

Labada duq ayaa Isniintii la kulmay Aksener si ay xisbigeeda Iyi Party ee ugu soo celiyaan xeendabka mucaaradka.

“Dalkeena uma dulqaadan karo kala jab,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay duqa magaalada Ankara, Mansur Yavas kadib kulanka.

Mucaaradka ayaa markii ugu dambeysay u midoobay Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, si ay uga adkaadaan xulufada Erdogan.

Awooddii ay ku qabsadeen maamulka labada magaalo ee ugu weyn Turkey ayaa meesha ka saartay dareenkii ahaa in Erdogan aan laga adkaan karin, waxayna dhabbaha u xaartay suurta-galnimada inuu xukunka dib ugu soo laabto xisbiga aas-aasihii Turkey Mustafa Kemal Ataturk.

Hase yeeshee Kilicdaroglu ayaa doonayey in Yavas iyo duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ay sii hayaan xilalkooda si looga fogaado halista ah in maamulka labada magaalo uu dib gacanta ugu galo xisbiga Islaamiga ah ee Erdogan.

AFP & VOA