“Xeeladaadii waxa ay dhashay xabad iyo xinjiro dhiig leh” Cirro

“Madaxweyne Muuse, waxa aan leeyahay inta aad talada Qaranka la anban karaysay waad la anbatay, garashadaadii, xukunkaagii iyo xeeladaadii waxa ay dhashay xabad iyo xinjiro dhiig leh oo gudaheenna ah, su’aasha ku hortaala ee aanad jawaab u haynin waxa ay tahay meeyay dalkii iyo dadkii mideysnaa ee lagu dhiibay?

Anigu is dhuldhig la’aanta, garawshiiyo la’aanta, ballan ka baxa siyaasadeed, iyo tanaasul la’aanta  uma aqaan, dhaqan wanaagsan oo hoggaamiye ku sifoobo, isu bahalo gelinta dadkaygana badbaado uma arko.” Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiha Waddani