Puntland oo weerar kusoo qaadday Ciidanka Somaliland

Hargeysa-02-27-2023(Berberanees)-War-saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa lagu sheegay in ciidanka Puntland oo garabsanaya kooxaha argagixisadu weerar kusoo qaadeen Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay nabad, horumar iyo in ay wadamada jaarkeeda kula noolaato nabad, xasilooni iyo walaalnimo.

Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka  Puntland-Soomaaliya.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay  isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.”