WAR-SAXAAFADEED: Kooxaha Nabad-diidka ah oo weeraray Xaruntii Ciidanka Guul-wadayaasha

Hargeysa-25-2-2023(Berberanews)- kooxaha Nabad-diidka ah iyo Argagixisadii is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fadhiisamadooda, masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood.