Safaaradda Somalia ee Maraykanka oo ka hadashay kulankii Safiir Frank iyo M Biixi

Hargeysa-(Berberanews)-Safaaradda Maraykanaka ee arrimaha Soomaalida, ayaa ka hadashay kulan shalay Hargeysa ku dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Amb. Tim Trenkle, waxayna Boggeeda Twitter ku sheegtay in Ambassador Frank ayaa saaka [shalay] kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi lagala hadlay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhacay Laascaanood. Mareykanka ayaa beesha caalamka kula biiray baaqa xabad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah iyo in gargaarka bini’aadantinimo aan laga hor istaagin dadka Laascaanood, ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda oo aan lagu xusin in arrimaha wada hadaladii Somalia iyo Somaliland lagu soo qaaday kulankaa, sida ay sheegtay Madaxtooyadu.