Kenya: Dood ka taagan xuquuqda Khaniisiinta oo 10 sano ka hor la laalay

Kenya-(Berberanews)-Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay khalad ahayd in maamulku uu ka mamnuuco bulshada khaniisiinta ah in ay diiwaan geliyaan hay’ad u dooda xuquuqda.

Go’aan lagu kala baxay ayaa inta badan garsoorayaasha waxa ay go’aamiyeen in guddiga NGO-ga ee Kenya ay oggolaadaan diiwaangelinta koox LGBTQ ah – oo lagu magacaabo National Gays and Lesbians Human Rights Commission – oo ay xannibtay sannadkii 2013-kii.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dastuurku uu dammaanad qaadayo xuquuqda ururrada iyo in guddiga NGO-yadu aanu diidin diiwaangelinta ururka oo keliya iyadoo lagu salaynayo nooca galmoodka ee codsadayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare waxay ku nuuxnuuxsatay in galmoodka khaniisiinta uu sharci darro ku yahay Kenya.