Afhayeenkii Xisbiga Waddani oo iscasilay

Hargeysa-(Berberanews)-Afhayeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa iska casilay xilkaas.

Xildhibaan Barkhad waxaa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidan;

“Xil-ka tegis
Muddo ku siman 5-sanno oo aan hayey xilka af-hayeenka Xisbiga ballaadhan ee WADDANI waxa maanta la soo gaadhay xiligii aan jagadaa wareejin lahaa. Waxa ay ahaayeen 5-sanno oo halgan, himilo, horumar iyo hawl badnaa oo aan qof ahaan iyo xisbi ahaan ba meelo adag ka soo baxnay. Wakhti Dadaal, doodo waaweyn, daacadnimo, dareen wanaagsan iyo u hadalka danyarta oo dagaal badan ku wajahay ayuu ahaa.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh waxaans’e abaal iyo ogaal u hayaa cid walba oo shaqadaa adag igu barbar taagnayd muddadii aan mansabkaa hayey: uguna horreeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga, hoggaanka xisbiga, fullinta, garabadda haweenka, dhallinyaradda, laamaha dibadda, taageerayaasha xisbiga, saxaafadda Somaliiland iyo guud ahaan shacabka sharafta badan ee Somaliland.

Waxa aan hadda  u gacan bixi doonaa shaqooyinka balladhan ee baarlamaanka yaala iyo arrimaha samafalka bulshadda  Somaliland Insha Allah. waxa aan rejo fiican ka qaba in hoggaanka sarre ee Xisbigu iga aqbali-doonaan xil ka tegistayda qof hannan kara jagadaasna u magacaabi doonaan.”