Maxay ka wada hadleen Somaliland iyo weftiga Maraykan ka socdaa?

Hargeysa-(Berberanews)-Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyay kulan dhexmaray wefti ka socda safaaradda Maraykanka ee Muqdisho iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyeen masuulliyiin xukuumadda ka tirsan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka ka dib oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanews, ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiir ku xigeenka Maraykanka Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn,  Madaxweynaha Qaranku waxa uu warbixin ka siiyey xaaladda guud dalka, gaar ahaan xaaladda Laascaanood. Waxa kale oo kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dawladood ka dhexeeya; sida, xoojinta iskaashiga arrimaha nabadgelyada Geeska Afrika.
Sidoo kale, waxa uu safiirku Madaxweynaha kala hadlay oo uu danaynay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii hakadku ku yimi ee u dhexeeyey Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay dhawaan bilaabmi doonaan.

Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhammaaday is afgarad buuxa. Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kulankan Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.