Laascaanood: Kooxo hubaysan oo weeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda lasoo weeraray xili lagu guda jiro dadaalo nabad lagu raadinayo.

Warsaxaafadeed ay baahisay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysan oo kasoo horjeeda in nabad laga dhaliyo magaalada, ay weerar kusoo qaadeen ciidamada, xili salaadiin nabad doon ahi ay kusii jeedaan magaalada Laascaanood.

“Si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday”.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay is difaaceen iyaga oo fulinaya xabad joojintii ay xukuumadu ku dhawaaqday, kadib markii weerarka lagu soo qaaday.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha”.

Ciidamada Somaliland oo ay hore xukuunadu u sheegtay in ay ku suganyihiin xeryahooda, ayaa muuqaal dhawaan laga soo duubay waxa uu caddeeyay in ay ku suganyihiin qaybo badan oo magaalada kamid ah.