“Hab dhaqankii Siyaad Bare in aanu dhimanin waxa kamid ah dagaalka Laascaanood” Waddani

Hargeysa(Berberanews) – Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay leedahay hab dhaqankii dowladii Kacaanka marka la eego siday uga jawaabtay mudaharaadadii Somaliland ka dhacay.

Khadar oo ka hadlayay xuska maalinta dhagax-tuurka, ayaa sheegay in maalintani aanay macno samaynayn madaama oo xukuumada hada joogtaa ay dishay dad badan oo u mudaharaadayay xuquuq dooda siyaasadeed iyo nololeed.

“Mudaharaadkii Siyaad Barre waxa ku dhintay arday iyo macalin, maalin kali ah ayay 7 qof ku dhimatay 11 Augost, su’aasha markaa aad is waydiinaysa waxay tahay xuska maalintani macno noocee ah ayuu kuu samaynaya, dhaqankii aad maalintaa diiday haduu wali jiro” Ayuu yidhi Khadar.

Xukuumada madaxweyne Biixi ayuu ku eedeeyay in ay leedahay hab dhaqankii Siyaad Bare, marka la eego sida ay uga jawaabtay mudaharaadkii Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka reer Laascaanood anay sabab la’aan u kicin.

“Hab dhaqankii Siyaad Bare in aanu dhimanin waxa kamid ah dagaalka Laascaanood, waa dagaal sokeeye oo ka dhexeeya Somaliland gudaheeda … maaha dagaal sabab la’aan u dhacay, 32 sanno oo Somaliland jirtay dadka reer Sool qalbigooda way hanan kari wayday” ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu xukuumada ku eedeeyay in anay u cadaalad falin dadka reer Sool, oo nidaamka wax qaybsiga Somaliland ay cadaalad ka waayeen, isla markaana iyada oo taasi jirto ay xukuumadu wax garowshiyo ah muujin wayday.

Waxa uu sheegay in la fulin waayay heshiisyadii ay xukuumadi Siilaanyo la gashay Khaatumo, isla markaana dhahaha laga furaystay Cali Khaliif Galaydh mudadii uu Hargaysa ku sugnaa ilaa oo uu ka geeriyooday.