Somaliland oo sheegtay in Argagixisada ku jabtay Somalia dhufays ka dhiganayan Sool

“Waxaannu ilaalinaa Nabadda Geeska Afrika” Taliye Nuux Taani

Sool-(Berberanews)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah ee kusoo jabay dagaallada Somalia ay doonayaan inay dhufays ka dhigtaan Laascaanood.

Taliye Taanni oo TV-ga Dawladda la hadlay ayaa sheegay in Laascaanood ay joogaan kooxo Al-shabaab ah oo haddii aan la dabar jarin khatar gelinkara Ethiopia, Jabbuuti iyo Somaliland.

“ “Laascaanood waxa jooga kooxo Al-shabaab ah oo markii hore fadhigoodu ahaa Buuhoodle, waxaanu ka cabsi qabnaa in ay u gudbaan dalalka jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya oo la yidhaahdo Somaliland bay ka yimaadeen”

Halka  ka daawo waraysiga Taliyaha iyo xaaladda Laascaanood.