Djibouti oo badbaadisay doon siday 383 muhaajirin Ethiopian ah

Djibouti-(Berberanews)-Dowladda Jabuuti ayaa badbaadisay 383 tahriibayaal Itoobiyaan ah , kuwaas oo doontoodu ay halis ugu jirtay in ay ku degto gacanka Cadmeed todobaadkii la soo dhaafay.

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay Waxa ay sheegtay in qaxoonti badan ay ku go’doonsan yihiin dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan,kuwaasoo isku dayaya inay dib ugu laabtaan xeebaha Geeska Afrika.
“Kuma siin karo tiro [saxa ah] sababtoo ah nafo badan ayaa lumaya innagoo aan xitaa diiwaan gelin, laakiin dhab ahaantii waa mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan uguna halista badan adduunka,” ayuu yidhi  agaasimaha IOM Antonio Vitorino oo BBC l hadlay.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay bilaabeen safarro halis ah, oo ay u maraan sidii ay nolol wanaagsan u heli lahaayeen laakiin aanay ka warqabin khatarta ka jirta jidadka ay sii marayaan.

“Qaar badan oo iyaga ka mid ah xitaa ma oga inuu dagaal ka socdo Yemen,” ayuu yidhi Mr Vitorino.
Wuxuu ku baaqay in la furo waddooyinka sharciga ah iyo kuwa caadiga ah ee socdaalka si loo yareeyo cadaadiska muhaajiriinta si ay u raadiyaan waddooyin halis ah.

“Waxaa loo baahan yahay in si wax ku ool ah loo ogaado oo lagu maxkamadeeyo shabakadaha dambiyada ee ku xad-gudba xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha ee ka ganacsigatahriibinta muhaajiriinta ,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray in tani ay u baahan tahay in si hufan loo xakameeyo xuduudaha iyo wadashaqeyn dhexmarta hay’adaha sharciga, iyo sidoo kale in wax laga qabto sababaha asalka u ah tahriibka marka hore.