Markabka Dagaal ee MERSK SENTOSA oo ku wajahan Berbera

Markabka Mersk Sentosa oo uu ka lusho calanka Maraykanka ayaa soo gaadhay biyaha Gulf of Aden.Maersk Sentosa waxa uu ka soo shiraacday magaalada Norfolk ee gobolka Virginia, halkaas oo ay ku taalo taliska Ciidamada Badda ee ugu balaadhan Maraykanka.

February 25, 2023 ayaa magaalada Berbera lagu qaban doonaa tababarka uu hogaaminayo Maraykanka oo lagu magacaabo ” Justified Accord”.

Tababar military oo Maraykanka uu ka sameeyey shalay magaalada Isiolo ee wadanka Kenya, ayaa dadka qaarkood iska dhaadhiciyeen in Maraykanka uu ka noqday tababarka Berbera ee Justified Accord.

Waa in aad ogaataa in ” branch”-kasta oo ka mid ah dawlada Maraykanka ay leedahay bog ay ku shaaciso, hadii isbadal uu ku yimaado hadal ay hore u tidhi.Ma jirto markaas madal ay ku sheegeen.

Dhoolatuska Maraykanka uu ka sameeyey Isiolo, Kenya oo iyadana lagu magacaabo ” Justified Accord “, ayaa waxa la qorsheeyey 11 bilood ka hor, inta aan la qorshaynin dhoolatuska Maraykanka uu ka samayn doono Berbera February 25, 2023.

Tababarka ” Justified Accord ” ee lagu qabanayo Berbera, markii uu soo shaacbaxay ayaa waxa ay warwar ku abuurtay cadawga Somaliland, oo siyaabo badan isugu dayay in ay joojiyaan, laakiin ku guuldaraystay in ay joojiyaan.

Dhinaca kale, sadexda qaybood ee ay ka koobantahay dawlada federaalka Maraykanka ayaa waxa ay si kooban shir ugu qaban doonaan Capitol Hill, June 23, 2023.Shirka June 23, waxa si kooban ay madaxdu u faaqidi doonaan mustaqbalka Somaliland.