Maraykanka oo soo jeediyay wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Laascaanood

Muqdisho-(Berberanews)-Dowlada Maraykanka ayaa ku baaqday in wadahadal lagu dhameeyo xiisada colaadeed ee Laascaanood ka taaga, taasoo ay sheegeen in anay cidna dani ugu jirin sii socoshadeedu.

“Waa in lasoo afjara colaada cidna dani uguma jirto, arrintan waa in wadahadal lagu xaliyaa, waxan wadahadalo toos ah la yeeshay, hogaamiyayaasha dhinacyada oo dhan, xubnaha beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna diray fariintan oo kale oo in rabshada la joojiyo” sidaa waxa yidhi Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry E. AndrĂ©, oo muqdisho lagu waraystay.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry E. André, Jr, oo saxaafadda Somalia wax ka weydiisay in ciidamada Somaliland ay tacadiyo ka gaysteen Laascaanood iyo in kale ayaa kaga jawaabay sidan:

“Waxan markale leeyahay helida warbixino lagu kalsoonaan karo way adagtahay, si xoogle ayaanu diirada u saarnay maalmahan wakhtigayga ugu badan ayaan ku bixiyay aniga oo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh” ayuu yidhi Andre.