“Garaadadu dhankooda xabad joojintii way qaateen” Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa- (Berberanews) – Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in garaadada ku sugan Laascaanood ay qaateen xabad joojinta, isla markaana ay la kulmayaan madax dhaqameedka ka socda Somaliland.

“Garaadadu dhankooda xabad joojintii way qaateen oo ciidankoodii amar way siiyeen intan ogahay, lakiin dad shacab ah oo hub gacanta u galay, in badan oo aan maqlayn oo jiidhaysa ayaa jirta” ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo ka hadlay Kulan lagaga tashanayay xaalada Laascaanood oo ay kasoo qaybgaleen shirguddoonka golaha guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, , ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka Somaliland oo ka dhacay Madaxtooyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidanku si nabada xeryahooda u joogayan, isaga oo sheegay in dadka reer Laascaanood iyo dadka kale ee reer Somaliland ay yihiin dad walaalo ah, isla markaana ay qaateen in ay si nabadgalyo ah colaada ku dhameeyaan.

Waxa uu sheegay in uu howsha u xilsaaray madax dhaqameedka Somaliland “Madax dhaqameedka waxan idhi 20 kiina waa wayni is raaa, calan cad qaada, Laascaanood taga ha laydinku laayee, markasay nabadu imanaysaaye … wayna ku baxayaan, waan u diyaar”.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in garaadada Laascaanood ku sugani ay codsadeen in shirka nabadu Yagoori ka furmo.

Daawo khudbadda Madaxweynaha oo dhamaystiran.