Dad ku dhintay weerar Alshabaab ku qaadday Xero Ciidan

Kismaayo-(Berbernews)-Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xerada ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Xoogga Dalka ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee waqooyiga magaalada Kismaayo.

Weerarka iyo dagaal xigay ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saacado kooban gacanta ku hayeen xerada, inkastoo markii dambe ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan weerarka lagu soo qaaday. Sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen VOA, ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab Sheekh Abu Muscab ayaa qoraal ay baahiyeen warbaahina kooxda ku sheegtay weerarka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay dhimashada 36 askari, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Xaalada Baarsanguuni ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada Jubbaland ay haatan ku suganyihiin halkaasi islamarkaana kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen weerarka kadib.

@VOA