Somaliland: “Ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.”

Hargeysa-(Berberanews)-Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waddo aagga hore ee Tukaraq, oo ay doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Soomaaliya ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaaban jihooyin cusub Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ka soo baxay.

Maalintii sideedaad magaalada Laasacaanood waxa ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xooggag ka soo jeeda deegaanka.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa BBC-da u sheegay in guryo dhowr ah ay maanta ku gubteen duqeynta ku socota magaalada.
Somaliland ayaa ku dooday in magaalada ay kula dagaallamayso xooggag ay ku sheegtay argagixiso.

Dhanka kale, waxaa xaalad adag wajahaya qaar kamid ah dadka ka barakacay dagaalka Laasacaanood ee u qaxay deegaannada u dhaw magaalada.

Berberanews.com
Berberanews@gmail.com