Madaxweyne Biixi Oo Xaaladda Laascaanood Kala Shiray Madaxda Ururrada Siyaasadda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa caawan kulan la yeeshay hoggaanka sare ee ururrada siyaasadda, waxaana kulanka lagaga arrinsaday xaaladda magaalada Laascaanood.