Ethiopia: Dad ku dhintay Rabshado Khilaaf-Diimeed iyo social media oo la xidhay

Ethiopia-(Berberanews)-Gelitaanka baraha bulshada ayaa la xaddiday gudaha Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda ilaalisa internetka ee NetBlocks, ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay khilaaf ka dhex aloosan kaniisadda Ortodokska ee dalka.

Mudaaharaadyadan ayaa ka billowday gobolka Oromada markii saddex mas’uul oo kaniisad ka tirsan ay bishii hore ku dhawaaqeen inay yihiin wadaado, isla markaana ay dhisteen guddi u gaar ah oo maamula.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeestay tallabada ay qaadeen halka kuwa kalena ay ku taageereen.

Gelitaanka Facebook, Messenger, TikTok iyo Telegram ayaa si aad ah oo xaddiday, NetBlocks ayaa Twitter-ka ku sheegtay goor dambe oo Khamiistii ah, iyadoo soo xiganeysa xogta shabakadda ee ay ururisay.

Barta twitter-ka ayaa timid saacado kadib markii kaniisaddu sheegtay in ugu yaraan 30 qof lagu dilay dibadbaxyada tan iyo 4-tii February.

Bayaanka kaniisadda ayaa ku baaqay dibadbaxyo Axadii looga soo horjeedo guddiga cusub ee maamulka iyadoo ku eedeysay dowladda Itoobiya inay “faragelin ku hayso” arrimaha gudaha ee kaniisadda ka dib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ka codsaday wasiirradiisa inay ka fogaadaan khilaafka. Dawladda Itoobiya ayaa dhaqan ahaan xidhiidh dhow la leh Kaniisadda Ortodokska, taas oo in ka badan boqolkiiba 40 dadweynaha ay ka tirsan yihiin.