Ciidammada Qaranka Somaliland oo cagta mariyay ciidan ka yimi Somalia

Sool-(Berberanews)-Ciidammada Qaranka  Somaliland, ayaa cagta mariyay ciidamo gurmad ah oo ka yimi Somalia, kuna socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ciidammadan gurmadka ah oo ka yimi Gobollada Dhexe ee Somalia, kuna soo wajahnaa magaalada Laascaanood oo jidka ka lumay ayaa afka uga galay Guutto Ciidanka Somaliland ah oo ku sugnaa wado Koonfur Bari ka soo gasha Laascaanood oo toos u tagta Gaalkacayo.

Sida uu warkan u xaqiijiyay Berberanews.com askari ka tirsan Ciidammada Somaliland oo ka gaabsaday inaan magaciida la sheegin ciidammadan ayaa waxa cagta mariyay Ciidanka Qaranka oo dagaal qadhaadhi dhexmaray waxaana laga  qabsaday 7 gaadhi oo kuwa dagaalka ah halka baaqigii ka hadhayna ay firxadkii naftooda la baxsadeen oo ay dub u noqdeen.

Ciidammadan gurmadka ah ee ka yimi Gobollada dhexe ee Somalia ayaa gurmad u ahaa kooxaha xagjirka ah iyo dadka deegaanka ee ka barbar dagaalamaya oo jebiyay Xabbad-joojintii Somaliland xalay ku dhawaaqday, iyagoo weeraro ku ku qaaaday ciidanka qaranka oo iyagu difaac galay.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii”. Sidaa waxa tidhi Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wixii warar ka soo kordha kala soco berberanews.com