“Ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay..”. Somaliland

Sool-(Berberanews) -Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada malleeshiyaadka ee Laascaanood ku sugani saaka weerar kusoo qaadeen ciidanka, kadib xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday.

Qoraal lagu baahiyay boga Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxo xagjir ahi, ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga ee duleedka Laascaanood.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii”.

Xukuumada ayaa inta ku dartay in dagaalka saaku uu imanayo xili ay ka xukuumad ahaan xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, xukuumadu waxay sheegtay in kooxo argagixiso ahi ay ka danbeeyaan weerarka, iyaga oo doonaya in anay dhaqangalin xabad-joojintu.