“Waxaan aaminsanahay qodobada Garaadadu soo saareen” Xaglatoosiye

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirkii hore Ee Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed “Xaglatoosiye” ayaa si kulul uga hadlay dagaalka maalintii 3aad galay ee ka socda Magaalada laascaanood.

Xaglatoosiye ayaa sheegay in wax argagaxiso la yiraahdo uusan ku arkin oo shacab iyo ciidanka Soomaaliland ku dagaalamayaan Laascaanood,isagana uu kusugan yahay Magaalada.

Saleebaan Xaglatoosiye ayaa hadda ah gudoomiye urur siyaasadeedka shacab ee Somaliland,waxaana uu si kulul u dhaleeceeyey ciidanka Somaliland oo shacab ku xasuuqaya Laascaanood.

Waxa uu sheegay inuu isku dayey inuu qadka taleefoonka kula hadlo muuse biixi balse aanay suurta gelin uuna kala hadli lahaa joojinta hubka culus ee ciidanka Somaliland adeegsanayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Dhegayso xaglatoosiye