Dagaalka Laascaanood oo galay Maalintii saddexaad

LAASCAANOOD:-(Berberanews)-Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad ee xidhiidha, kaasoo u dhexeeya Ciidammada Qaranka Somaliland, Kooxo Argagixisi ah iyo dad ay qaldeen oo dhallinyarada reer Sool ah.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka oo saaka waaberigii ka bilowday magaalada Laascaanood.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Cabdilaahi Axmed Caarshe, ayaa war kooban oo uu saaray ku sheegay in kooxaha argagixisadu weerareen fadhiisimada Ciidanka Qaranka.

Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada Ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac.”

Berberanews
Berberanews@gmail.com