“Dhimashadu waxay mareysaa dhowr iyo labaatan qof dhaawucan in ka badan boqol” Falaalug

Laascaanood-(Berberanewa)-Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) oo ah afhayeenka guddi ka kooban 33 oday dhaqameed oo reer Laascaanood ah ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen si loo carqaladeeyo shirkii ay maanta kusoo gabagabeynayeen halkaas.

“Xabadda is dhaafeysa midda weyn iyo midda yar tiro ma leh, meel hadda xilli wax la iska wareysan karo lama joogo, dhimasho iyo dhaawac fara badan baa jira, inta aan ognahay dhimashadu waxya mareysaa dhowr iyo labaatan qof dhaawucan in ka badan boqol buu marayaa,” ayuu yiri.

Waxa uu beeniyay hadalka lagu sheegay warka kasoo baxay dhinaca Somaliland ee ah in ay dadka deegaanka billaabeen rasaasta.

“Arrintaa waxbo kama jiraan waana been, saaka waxaan u ballansaneyn in aan soo gabagabeyno shirkii maalmahan soo socday, qabashada shirka ayaan iska diyaarsaneynay, 11:30 dhinaca bariga ee magaalada ayay xabbadda kaga soo bilaabeen,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug)

Waxa uu intaas ku daray in sababta dagaalka loogu soo qaaday ay ahayd in laga hor istaagayay shirka.

“Ujeedadoodu waxay aheyd in shirkaas aan war murtiyeed laga soo saarin oo ay dadka kala ceyriyaan tiina kuma aysan guuleysan war murtiyeedkiina waa lasoo saaray dagaalkiina wuu socdaa,” ayuu yiri.

Dagaalka ayaa inta badan ka socday dhinaca bari ee magaalada Laacaanood, sida uu sheegay afhayeenka.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in dadka deeganaka oo is abaabulay ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan si ay isaga difaacaan ciidamada Somaliland.

“Dadka iyaga ayaa is abaabulay, garaaddada shir nabadeed bey hayeen oo maanta ay diyaar u ahaayeen xiritaankiisa, ciidanka saarkiil baa heysata oo hoggaamineysa dadka iyaga ayaa is hoggaaminaya waa dad shicib ah waa dad aan militeri aheyn oo aan tababarneyn, haddii gurigaaga laguugu soo galo waxaa waajib ah in aad difaacato maatadaada, garaaddada xabbad ma ridaan, waxaa diyaar loo yahay in aan difaaca wada galno” ayuu yiri.

Afhayeenka guddiga oday dhaqameedka Laascaanood ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal.

“Waxaan mar hore codsannay in nimankaas ay gobolka ka baxaan, ciidankana nalaga dulqaado haddii loo baahan yahay waa la wadahadli karaa, nin xabada dhafoorka kaaga haya wadahadal lalama furi karo, xal lalama gaari karo tii aan ka digeynay ayaa maanta dhacday xabbadana wey socotaa,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.