Dagaal saaka ka qarxay Laascaanoood

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa xaqiijiyay in saaka dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in saaka aroortii hore la soo weeraray fadhiisinka Ciidanka Qaranka iyo Hudhelka ay Laascaanood kaga suganyihiin weftiga Somaliland.

Haseyeesheee  Wasiirku wax faahfaahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Laascaanood.

“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar lagu soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland iyo xarunta aannu ka degannahay laascaanood aniga iyo waftiga kale ee  Golaha Wasiirrada Somaliland ee hawlaha nabadaynta u jooga Magaalada Laascaanood.

Waxaana weraarkaas soo qaaday argagixiso iyo kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen dadka Nabad  diidka ah ee ku sugan Magaaladu. 

Ciidamadda Qaranka ayaa difaac kaga jaawaabay werardaasi.”