“Ciidan hubaysan oo tikniko wata, ayaa soo weeraray xeryihii” Wasiir Kaahin

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi “Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyayaal wata, oo baasuukayaal waata ayaa weeraray qaar kamid ah xeryihii ciidamada qaranka, ciidamada qaranku ilaa iyo hada way iska caabiyeen xeryahoodiina may dhaafin”.

Qaraarka isimadu soo saareen ayuu ku tilmaamay mid aan loo dhamayn, isaga oo sheegay in ay ahayd talo guri gaara lagu gaadhay oo isimo badani ka maqnaayeen.

Waxa uu sheegay in  qorshaha dagaalka saaka dhacay uu ahaa mid hore loo gaadhay, oo isimada qaar ay hore u go’aamiyeen, isaga oo sheegay in aanu garanayn cida laga xoraynayo Laascaanood, waxaanu ku baaqay in xabada la joojiyo..