Norway oo laga joojiyay Bannaanbax Islaam Nacaybka ah

Ururka Islaam Nacaybka Norway ee SIAN ayaa Qorsheynayey inay maanta Quraanka Kariimka ah ku gubaan meel kasoo horjeeda Safaarada Turkiga ee Norway .

Laakiin Dawladda Norway ayaa diiday Gubista Quraanka kadib Cadaadis uga yimid dhinaca Dawladd Turkiga, booliiska Norway-na wuxuu sheegsy inay mudaharaadkan muranka dhaliyey u joojinayaan “sababo amni”.

Shalay ayaa Safiirka Norway ee Turkiga looga yeedhay Wasaarad Dibadeedka Turkiga ee magaalada Ankara. Wuxuuna Turkigu wax ka waydiiyey ogolaansho la sheegay in la siiyay mudaaharaad sharaf dhac ku ah Qur’aanka Kariimka ah, sida ay qortay Reuters.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa shalay sheegtay hadii Norway gubista quraanka ay fasaxdo ay u qaadanayaan Fal daandaansi ah .

Xisbiga Midigta Fog ee Islaam Nacaybka caadaystey ee Stop Islamization of Norway (SIAN) ayaa Khamiistii wargeyska VG u sheegay inay qorshaynayaan inay ku gubaan Qur’aanka Kariimka ah meel kasoo horjeeda Safaaradda Turkiga maalinta Jimcaha .

hoggaamiyaha ururka islaam nacaybka SIAN, Lars Thorsen oo arintan ka hadlaya wuxuu yiri .

”Waxaan tan u samaynayaa dulqaad la’aanta Turkiga ee qiyamka xorriyadda reer Galbeedka. Mana ogolaan karno in Erdogan uu xukumo Dawladaha ka jira wadamada reer Galbeedka.”

Ugu dambayn booliska Magaalada Oslo ayaa joojiyey mudaharaadkii Quraanka kariimka ah lagu gubi lahaa,Kadib Cadaadis uga Wasaarada arimaha Dibeda ee turkiga .