Ilhaan Cumar oo ka hadashay Xil-ka-qaadisteeda

US-(Berberanews)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay tallaabadii xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay u hadasho dadka dhiban ee caddaaladda raadinaya guud ahaan caalamka, howshaas ayay tilmaamtay in ay sii wadi doonto illaa ay dadkaas ka helayaan waxa ay raadinayaan, sida ay sheegtay.

Xubinnimada Aqalka Congress-ka ayay ku sheegtay in ay tahay mid ka tarjumeyso u hadlidda dadka ay wakiilka ka tahay iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka la kulmaya balse aan heli karin meel ay kusoo bandhigaan, islamarkaana aanay tallaabadani cabudhin doonin.

“Waan sii wadi doonnaa in aan u hadlo qoysaska caddaaladda raadinaya guud ahaan Caalamka, dabcan kama baaqsan doonno in aan codkooda noqdo dadka ku xareysan xeryaha qaxootiga iyo kuwa guryaha ku cabudhsan, halkaan uma imaan in aan aamuso ee waxa aan u joogaa in aan codkeyga muujiyo una hadlo dadkaas,” ayey tidhi Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa hore u sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, taasi oo markii dambe uu Jamhuuriga u codeeyey.