IGAD oo war ka soo saaray xaaladda Laascaanood iyo dhexdhexaadin Jabuuti wado

“Urur-goboleedka IGAD waxa uu si weyn indhaha ugu hayaa xiisadaha u dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood ee Somaliland dhammaadkii 2022, taas oo noqotay arrin laga walaaco marka loo eego tirada badan ee dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD.
“Arrinta qaddiyadda Somaliland waxay weli u baahan tahay in fiiro gaar ah loo yeesho sidii xal nabadeed loo gaadhi lahaa. Halkaa marka ay marayso, IGAD waxay bogaadinaysaa dadaallada dhexdhexaadinta ah ee uu illaa hadda sameeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waxayna sii dhiirigelinaysaa sii wadidda hawlgelinta,” ayuu sii raaciyey Xoghayaha IGAD oo sheegay in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle isku xilqaamay inuu dhexdhexaadin ka galo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.