Taliye Taani oo dhambaal Hambalyo ah u diray Xuska 29-aad ee Ciidanka Qaranka

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dabaaldegga xuska  29-guuradii ka soo wareegtay aasaasay ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maalinta berri ah.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska taliska guud ee ciidanka Qaranka Somaliland, oo soo gaadhay xafiiska Berberanews.ck., oo uu ku saxeexan yahay taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa u dhignayd sidan.

“Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo dableyda ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu hanbalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan ciidanka Qaranka iyo xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka, waxaan ugu hanbalyaynayaa munaasibada xuska sannadguuradii 29-aad ee aasaaska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan 2/2/2023 haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxa aan ALLE uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo cimri dherer.”

ALLAA MAHAD LEH.

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland
Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani.