Somaliland oo digniin u dirtay Maamulka Puntland ee Somalia

Hargeysa-(Berberanews)-Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, oo ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta, ayaa Puntland ugu baaqay in ay go’aanka shacabka ixtiraamto.

“Waxan hada shir saxafadeedkan u qabtay, in dadku waxayna doonayn aan lagu qasbin, dadkani way tashadeen, go’aan bay gaadheen, go’aanka ay gaadheena iyaguna kama noqonayaan, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana u suuroobi mayso”

Waxa uu sheegay in bulshadu go’aan ku gaadhay in anay Puntland deegaankooda wax diwaangalin ah kasamayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka isaga oo sheegay in uu Puntland usoo jeedinayo in anay waxyeelayn amniga deegaanada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadweynaha degmada Dhahar ayaa ka mudoharaaday diwaangalinta codbixiyayaasha oo Puntland doonaysay in ay deegaankan ka fuliso, waxaana jira isku dhac dhex maray booliiska Puntland iyo shacabka.